Mashruuca waxbarashada Markabley iyo Ururka waxbarashada Gedo, wuxuu bilowdey 1991. Nasiib daro dagaalkii sokeeye wuu
joogsan waayay. Ardayda Soomaaaliyeed waxaa ku dhacay nasiib daro aan laga soo kaban doonin mudo dhow.
Aas aaska Jaamacada
Baardheere wuxuu si rasmi ah u bilowday June 1999, laakiin ilaa hada oo la joogo Oktoobar 20, 2000 ardayda waxay
marayaan meel bilow ah.
Ururka Hirda dhalaankii ay fursada dugsiga dhexe iyo kan sare ay u suuro gelisay ilaa 1996 ayaan rajaynaynaa Insha Allah,
inay noqdaan kuwa ugu horeeyo ee la aqbalo sanad dugsiyeedka 2001-2002 ama xiliga guga ee 2001.
Baahida waxbarasho
ee ka jirta dalka goboladiisa waa wax aan la soo koobi karin. 1990 in ka badan 460,000 oo arday ayaa dugsiyada aas aasiga
iyo kuwa sare dhigan jirtay. Maantase 3% unbaa fasal heysata.
Waxbarashada sare waxaa Jaamacada Ummada, Lafoole, Kulyada Beeraha Lafoole iyo
machadyada ku jirey ilaa 7,000 oo ardey. Maalintii qaxa bilowdey ayaa dhamaan irdaha loo laabey.
Maanta magaalooyinka ugu roon unbaa ilaa 16% ardeydooda u hesha fasalada dugsiyada hoose/dhexe. Tusaale; tirada ardayda
Baardheere wax ka dhigata dugsiyada waxay le'eg yihiin 5,300.
Bulshada degmada oo gaaraysa 136,000 waxaa da' ardey ka ah in ka badan 35,500 oo caruur. 1994 tiradii aheyd 4,000 ee
mashruucyada waxbarashada magaalada ardayda ka ahaa wax saa'id ah kuma darsamin ilaa maanta 7/2000.
Mashruuca barashada xirfadaha kala duwan sida caafimaadka, beeraha iyo sancooyinka kala duwan ee ay Hirda u fidisay da'
yarta ilaa 20 iyo dhowr jirka ah ayaa la rajaynayaa in ay heer jaamaceed isu diyaariyaan. Kuwa dugsiga sare ee Baardheere
oo iyagana la filayo in 2003 ay si hufan u bilaabaan fasalo iyaguna waxbarasho tacliin sare ayey u baahanyihiin. Qof walbo
dhinacaada qabo.